Nin horey u ahaan jirey kalkaaliye caafimaad iyo waliba gacan yare kaniisadeed oo lagu magacaabo Ivo Pope ayaa maxkamad lasoo taagay dalka Biljimka, isaga oo loo heysto dilka dad badan oo ay hooyadiis ka mid tahay.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu dilay illaa 10 qof, oo dhawr ka mid ah ay qoyskiisa yihiin, balse waxaa la rumeysanyahay in tirada dadka uu dilay ay 50 qof gaari karaan.
Ivo ayaa dilka u adeegsaday irbad hawo ah oo uu ku mudey dhiigga dadka dhintay, taas oo keentay in ay xinjiro guntamaan dhiigga dadkaas, taas oo ay markii dambe u dhinteen.
Dambiga ayaa waxa uu ku dhacay goob caafimaad oo ku taala magaalada Menen, halkaas oo sidoo kale loogu caleemo-saaray in uu noqdo gacanyaraha baadari kaniisadeed.
Ninkan oo 61 jir ah ayay wargeysyada Biljimka ku tilmaameen “baadarigii dilaaga ahaa”, wuxuuna noqonayaa qofka dilalkii ugu badnaa ka geysta dalkaas haddii la xukumo.
Isaga ayaa markii hore qeyb ahaan qirtay dambiga uu geystey, balse dib ayuu ka inkirey.
Waxaa diiwaankiisa xusuusqorka laga heley magacyada illaa 50 qof oo agtiisa ku dhimatay, waxaana loo maleynayaa in uu dhammaadtood isaga dilay.
Dadka uu diley ayaa waxa ay u badanyihiin dad da’ ah, wuxuuna sheegay in uu u naxariisanayay, naftana si raaxo leh u dhaafinayay maadaamaa ay aad u xanuunsanaayeen.
Dadka ehelkiisa ah ee uu dilay waxaa ka mid ah hooyadiis, nin adeerkiis ah oo hooyadiis qabay iyo labo adeerayaashiis ka mid ah.
Dhagaysiga maxkamadda ayaa socon doonto muddo todobaad ka badan, waxaana la dhagaysan doonaa marqaatiyaal dhawr ah.