Faransiiska ayaa baaraya sida uu cudurka Coronavirus ku gaaray Markabka dagaalka diyaaradaha xambaara ee ugu weyn dalkaasi, laguna magcaaabo Charles de Gaulle.
Markabkan oo ay saaran yihiin ciidamo iyo shaqaale milateri oo gaaraya 2300 ayaa 1081 ka mida laga helay cudurka Covid-19, iyadoo lala yaaban yahay, sida uu cudurka ku gaaray Markabka, iyadoo uu hadda socdo baaritaan arrintan ku saabsan iyo howlgal lagu nadiifinayo Marakabka.
Shan maalmood ka hor ayuu Markabku dib ugu laabtay xaruntiisa Magaalada Toloun, waxaana la karaantiilay dhammaan ciidamada Badda ee saarnaa; qof ayaa xaalad adag oo degdeg ah ku jira, 20 kalena isbitaal la dhigay, sida uu sheegay afhayeenka Eric Lavault.
Markabka ayaa ku sugnaa Badda Waqooyi, isagoo qeyb ka ahaa howlgalka NATO, waxaana arrintiisa ay soo shaac baxday maallo kadib markii markabka weyn USS Theodore Roosevelt oo ah kuwa dagaalka Mareykanka uu isna dhexdiisa ka dilaacay cudurka Coronavirus.