Monday, February 10, 2025

Kacdoon ka bilowday Dhulka Falastiin & bannaanbaxyo ka socda dunida Muslimka [Sawirro]

Falastiiniyiin ka careysan ayaa bannaanbaxyo waaweyn ka oogay magaalooyinka Daanta Galbeed ee la heysto iyo Gaza.

Iska hor imaadyo dhex maray dhalinyaro reer Falastiin ah ayaa dhaawacyo kasoo gaareen qaar ka mida dhalinyarrada, waxaana si weyn ciidamada Yuhuudda ay adeegsanayeen Gaaska dadka ka ilmeysiiya oo sida roobka oo kale ay ugu rideen bannaanbaxayaasha reer Falsatiin.

iska hor imaadyo kale ayaa ka dhacay magaalada Qudus kadib salaadii Jimcaha, kadib markii dadkii reer Falastiin ee ku dukatay Masjidul Aqsaa ay bannaabaxyo ka oogeen halkaasi ay ku diidan yihiin go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu caasimadda Yuhuudda u aqoonsaday magaalda barakeysan ee Qudus.

Ad

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo ciidamad Israa’iil heegan sare la geliyay isla markaana kacdoon weyn ay ku dhaqaaqeen dadka reer Falastiin.

Magaalooyin badan oo dunida muslimka ayay ka dhaceen bannaanbaxyo waaweyn oo lagu diidan yahay go’aanka Trump.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON