Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy oo socdaal ku yimid dalka.
Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya. Tibor P. Nagy oo ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka.
Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.