Ku dhawaad 90 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku hafteen xeebaha Libya, kadib markii kooxo dadka tahriibiya ay dooni ku soo qaadeen taasoo badda ku degtey, goor hore oo Jimcihii ah.
Illaa iyo hadda 3 qof ayaa ka soo badbaadey doontaas iyadoo 10 qofna meydkoodii ay baddu ay too tuurtey, sida ay sheegtey hay’adda IOM ee muhaajriinta caalamiga ah qaabilsan.
Mid ka mida dadka soo badbaadey ayaa u sheegey shaqaalaha gar-gaarka in inta badan dadka tahriibayaasha ah ay ahaayeen Baakistaaniyiin, kuwaasoo isku soo urursadey si ay usoo gaaraan dalka Talyaaniga.
Goor sii horeysey ayaa saraakiisha magaalda Zuwara ee galbeedka Libya, waxa ay sheegeen in laba qof oo reer Libya ah iyo qof u dhashey Baakistan laga soo badbaadiyey doontii ay la socdee. 10 qof oo u badan Baakistaaniyiin ayaa meydadkooda illaa iyo hada la heley.
Zuwara ayaa ku taala meel u dhow xudududa uu dalkaas la wadaago Tuunuusiya waana mid ka mida meelaha ay tahriibayaashu ugu jecel yihiin in ay ka dhoofaan.