Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey in Diyaarad maamulkaasi leeyahay ay jebisay xayiraadii saarneyd garoonka diyaradaha magaalada Kismaayo oo dowladda Federaalka ay kusoo rogtay.
Diyaaradan oo aan wadan wax astaan ah ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka dejisay siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa madaxweynayaashii hore ee maamullada Galmudug iyo K/Galbeed C/kariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhoweyntii xubnaha tegay magaalada Kismaayo ka sheegay in diyaaradda jebisay xayiraadda dowladda Somalia ee ka timid magaalada Nairobi uu leeyahay maamulka Jubbaland, soona iibsaday, waxayna wararku sheegayaan in laga soo iibiyey dalka Soutth Sudan.
Waa diyaaradii ugu horeysay ee ka degta garoonka magaalda Kismaayo kadib markii ay dowladda federaalka xayiraad kusoo rogtay diyaaradaha tegaya Kismaayo inay sii maraan garoonka Muqdisho.