Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa Cambaareeyay wakiilka midowga afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Amb. Francisco Madiera, kadib markii ay ka caroodeen hadal ku iray khudbad uu dhowaan u jeediyey Golaha Ammaanka Q/Midoobay.
Qoraalka kasoo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Francisco Madiera uu lumiyey kalsoonidii iyo dhexdhexaadnimadii, isagoo faragelin ku sameeyay siyaasada Beelaha Soomaalida, oo ah arrin xasaasi ah, taasoo meel ka dhac ku tahay shaqadiisa.
Waxaa qoraalka Jubbaland lagu xusay warqad Madasha Xisbiyada Qaran ay u direen Midowga Afrika oo ay ku caddeyeen in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya aanu dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in khudbaddii Francisco Madieraka jeediyey shirkii Golaha Ammaanka ay gef ku ahayd beel Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in dowladda Federaalka ay dalka ka saarto Wakiilka Midowga Afrika.
Hadalkii uu Amb. Madeira ka jeediyay kulankii Q/Midoobay ee ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa: “Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay”

