Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa magacaabay mas’uulka uga wakiilka ah Gobolka Gedo, haddana uu yahay sii-hayaha maamulka Gobolkaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa magaalada Kismaayo ka shaaciyey in Jubbaland ay u aqoonsan tahay Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu in uu yahay Masuulka Jubbaland u qaabilsan gobolka Gedo kaas.
Wuxuu sheegay in Macalimuu dib loogu soo celiyay xilkiisi hore ee ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Gedo, haddana uu yahay sii-hayaha gobolka Gedo ee Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay shaqsiyaadka doonaya inay wixii rabitaankooda ah ka sameeyaan Gobolka inay dib uga joogaan, isla markaana xildhibaannada iyo Senatoorada degaankasina ku ekaadana shaqadooda.
Macalimuu ayaa ka mid ahaa madaxdii Gobolka Gedo ee soo maray ee qeybta ka ahaa khilaafkii mnaamulka Gedo, dowladda Fedraalka iyo maamulka Jubbaland.