Saturday, October 12, 2024

Jubbaland oo joojisay ka qeybgalka Shirarkii Maaliyadda & Deyn Cafinta Dowladda Federaalka & Maamul Gob..

Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa joojiyey ka qeyb galka shirarkii Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka xilka sii haya ee Maaliyadda Jubbaland C/rashid Jirre Qalinle ayuu ku sheegay in Wasaaradda Maaliyada Jubbaland ay hakisay ka qeyb galka shirarka looga arrinsanayo arrimaha Maaliyada iyo Deyn cafinta ee ay Hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka.

Wasiir Qalinle ayaa go’aankan sabab uga dhigay inay dowladda Federaalka ku duushay degaanadii nabadda ahaa ee Jubbaland iyo cunaqabateynta dowladda Federaalka ku heyso maamulka Jubbaland, wuxuuna intaas ku daray inuusan soo hagaageynin xiriirkii Jubbaland iyo dowladda Federaalka oo rajadii laga qabay in xal loo helo ay sii xumaatay.

Ad

HOOS KA AKHRISO


Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON