Maamulka Jubbaland ayaa dalbatay in Maxamed C/llaahi Farmaajo ay tahay inuu dhammaan wareejiyo awoodda iyo taliska ciidamada, kadib markii uu sheegay inuu wareejiyo amniga doorashada.
Wasiirka warfaafinta Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen ayaa sheegay inaan la aamini karin Farmaajo inuu sii heysto taliska ciidamada iyadoo ciidamada is hor fadhiyaan oo xabbad ka dhacday caasimadda Muqdisho.
“Waa inuu wareejiyo Taliska ciidamada si buuxda Ra’iisal wasaaraha, si ay nabaddii u soo noqoto haddii taasi aysan dhicin waa gacan gadaal ka laaban, lamana aamini karo, waana la ogaa wixii madaxwyenuhu sameynayay.. Doorashadu waa ka darran Nabaddii Xamar mar haddi uu dhiig daatay waxaa u furneyd waxay ahayd inuu si buuxda u wareejiyo awoodda..” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Maamulka Jubbaland.
Wuxuu sheegay wasiirka in Ra’iisal wasaaraha aanu heshiis geli karin, haddii aanu gacanta ku heyn ciidamadii, arrimaha taaganna ay ka mid ahaayeen ciidamada lagu daabulay Gobolka Gedo, dhibaatadda ka taagneyd Gobolka Hiiraan iyo arrinta Xamar oo hadda taagan.
“Sidee heshiis u galayaa Ra’iisal wasaaraha haddii uusan gacanta ku heyn ciidamada lagu daabulay Gobolka Gedo, Beledweyne waxa ka taagan… Xamar ayey hadda ka jirtaa, mana awoodi doono Ra’isal wasaaraha inuu kala qaado ciidamada.. Meel aana amni ahayd oo Ra’iisal wasaaruhu amniga gacanta ku heyn kama soo qeyb geleyso Jubbaland” ayuu mar kale yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.
