Waxaa caawa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle lagu doorto mid ka mida kuraata ku harsan halkaasi oo ah kursi si adag loogu tartamayo.
Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa shahaadadii Murashaxnimo Gudoonsiiyay lix Murashax oo u taagan kursigan, waxayna kala yihiin:
1- Cusmaan Maxamed Maxamud (Xaadoole)
2- Shadoor Xaaji Maxamud
3- Fowziya Sheekh Cali Maxamud
4- Bashiir Maxamed Yuusuf
5- Yuusuf Cabdi Cabdulle
6- Yaxye Abuukar Aaden
Waxaa kursigan loo saadaalinayaa inuu kusoo bixi doono Cusmaan Maxamed Xaadoole oo ka mida saraakiisha ciidamada Milateriga ee qeybta ka ahaa badbaado Qaran, inkastoo uu wajahayo tartan adag, iskuna dayey in loo xiro kursiga.
Waxaa Kursigan hore ugu fadhiday Mina Xasan Shibis, waxaana muuqata inuu ka baxay qoonde haween oo laga dhigay kursi furan.