War haddda soo dhacay ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden uu ku guuleystay doorashadii Gobolka Georgia oo aha Gobol ay Jamhuuriyiinta ku xoog badan yihiin.
Gobolka Georgiga ayaa leh 16 ergo cod, wuxuuna hadda heystaa Joe Biden codad gaaraya 306 cod markii uu isla maanta ku guuleystay Gobolka Arizona, iyadoo meesha kasii baxeyso rajadii Donald Trump oo weli diidan inuu aqbalo natiijada doorashada.
Dhinaca kale Donald Trump ayaa ku guuleystay Gobolka North Carolnia oo leh 15 ergo cod, isagoo hada heysta codad gaaraya 232 ergo cod.
Waxaa sidaas kusoo idlaaday Doorashadii Madaxweynaha Mareykanka oo dhammaan la saadaaliyey natiijadii, iyadoo si rasmi ah loo shacin doono horaanta bisha dambe.