Monday, February 10, 2025

JIMCADA QUDUS DARTEED: Bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhacaya dalalka Muslimka ah [Muqdisho oo…]

Bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo go’aankii madaxweynaha Mareykanka ee in magaalada barakeysan ee Qudus ay ahay caasimadda Yuhuudda ayaa maanta ka dhacaya inta badan dalalka islaamka.

Dhulka Falastiinn ayay saaka ka bilowdeen bannaanbaxyada iyadoo Daanta Galbeed, Marinka Gaza iyo Qudus ay isugu soo baxeen Falastiiniyiin fara badan oo ka horjeeda in Yuhuud la siiyo magaalada Qudus, waxaana shalay dhacay bannaanbaxyo waaweyn oo ilaa 100 qof lagu dhaawacay.

Dalalka Turkiga, Iiraan, Urdun, Ciraaq, Pakistan Maleysia, Indonesia Suuriya Ciraaq , Yeman ayaa lagu wadaa in ka dhacaan bannaabaxyo waaweyn oo qorsheysan in lagu gubo sawirrada Donald Trump.

Ad

Dhinaca kale mahaalada  ayaa waxaa ka socda qabanqaabada bannaanbax looga soo horjeedo go’aankii Madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel.

Bannanabaxa waxaa ku baaqay culimada Soomaalida, halka dowladda Federalka ay walaac ka muujisay go’aanka Trump iyadoo bayaan ay soo saartay xalay ku sheegtay inuu dhalin karo halis.

Khudbooyinka Jimcaha ee dunida islaamka ayaa dhammaantood looga hadli doonaa xaaladda magaalada Qudus oo ah goobta saddexaad ee ugu barakeysan mudlimiinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON