Dalka Kenya waxaa ka bilowday daawashada filim ay soo saartay Shirkad Kenyan ah oo uu wax ka metelayo Jilaa Soomaali ah, ayna ka qeyb qaadanayaan dad Soomaali ah.
Shirkadda sameysay filimka oo lagu magacaabo Foxton ayaa soo saartay filim heer sare loo qaabeeyay, wuxuuna ku saabsan yahay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Kenya iyo Al-shabaab, waana fulim wacyi gelin ah oo looga digayo falalka Alshabaab.
Filimka oo lagu magacaabo ‘Mission to Rescue’ waa howlgal ay ciidamada Kenya ku badbaadinayaan dad ay heystaan Alshabaab, waxaana si weyn dadka looga digayaa inay Alshabaab ka mid noqdaan, iyadoo lagu soo bandhigayo falalka Alshabaab iyo qofkii ku biira waxa uu ku danbeyn doono.
Filimka waxaa ka dhex muuqda jilaaga Warsame Cabdi Cali oo ah Jilaa Soomaaliyeed iyo Soomaali kale, wuxuuna sheegay inuu soconayo saacad iyo afartan daqiiqo, waxaana dhammaantiis lagu duubay gudaha dalka Kenya.
Waxaa filimka lagu soo bandhigayaa xaqiiiqada dagaalka argagixisada iyo sida loogu baahan yahay inay u wada shaqeeyaan dowladda iyo shacabka Kenya.
