Sunday, April 27, 2025

Jeneraalkii ugu horeeyay ee Madow ah oo loo magacaabay xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa markii ugu horeysay xoghayaha difaaca u magacaabay Jeneraal howlgab ahaa oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka laguna magacaabo Lloyd Austin.

Gen. Austin, waa 67 sano jir ah, wuxuuna noqonayaa xogahayihii ugu horreeyay ee Madow Afrikaan Mareykan ah oo hoggaamiya Waaxda gaashandhiga ee Pentagon-ka, isagoo hore u soo noqday Taliyaha Taliska Dhexe ee ciidamda Mareykanka xilligii maamulkii Obama.

Madaxaweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden oo xilka la wareegi doona 20-ka Ja naayo 20201 ayaa hadda magacaabay qeyb ka mida golihiisa wasiirada, inkastoo madaxweynaha xilka ka degaya aanu weli aqbalin natiijada.

Ad

Jananka madow ayaa sanadihii 2013-16 wuxuu hogaamiyay Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo aaga uu masuulka ka yahay ay ka mid ahayeen Bariga Dhexe, Aasiyada Dhexe iyo qeyb ka mid ah Koonfurta Aasiya. Ka horna wuxuu ahaa ku-xigeenka madaxa Milatariga iyo taliyihii ugu dambeeyay ee ciidamada Mareykanka ee Ciraaq.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada ururada bulshada iyo baaqyada ay soo jeedinayaan taagerayasha xisbiga Dimuqraadiga ee qowmiyadaha Madowga, Aasiyanka, Latino si loo hubiyo in Mr Biden uu beelaha laga tirada badan yahay iyo haweenka u magacaabo xilalka sare ee golaha wasiirada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON