Taliyaha Ururka 6aad ee Guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka General Aadan Abshir Nuure Laba-Afle ayaa soo gabagbeeyay waanwaan uu u tegay Gobolka Galgaduud si uu heshiis uga dhex dhaliyo maamulka Galmduug iyo Ahlu suna.
Jeneraalka ayaa sheegay in Ahlu Suna ay diideen dhammaan waanwaantii ay wadeen si looga baaqsado dagaal kale, wixii ku saabsan awood qeybsina si nabad ah lagu raadiyo iyo wadahadal.
“Ahlusunna bohol ayaan ugu tagnay, muddo 12 maalmood ah ayaan la joognay… Waxaan is aragnay Sheekh Shaakir iyo xubno kale si dagaal loogu baaqsaddo balse way ka biyo diideen wadahadal kastaa, waxay qaateen warkii uu Idaacadaha ka sheegay hoggaamiyahooda (Macallin Maxamuud).. Marka dowladda ayay u taal go’aanka laga qaadanayo” ayuu yiri Jeneral Laba-Afle oo Muqdisho uga tegay inuu dhex galo Galmduug iyo Ahlu suna.
Shirka jaraa’id ee Jeneral Laba-afle ayaa soo afjaraya rajadii ugu danbeysay ee laga lahaa in xal loogu helo dagaalka u dhaxeeya kooxda Ahlu suna iyo Maamulka Galmudug oo saameyn ku yeeshay magaalada Guriceel.
HOOS KA DAAWO