Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaaxarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Jeneral Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee ka taliya dalka Suudaan, kaasoo maanta Muqdisho yimid.
Xasan Sheekh ayaa Jeneraal Ibraahim ka guddoomay dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol, oo uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Jen. Cabdulfataax Al-Burhaan.
Arrintan ayaa ka danbeysay booqasho uu dalka Sudan dhowaan ku tegay Wasiirka Gaashaandhiggga iyo is-aragyo dhex maray madaxda Suudan iyo Soomaaliya, iyadoo wararaku sheegayaan inay dowladda Somaliya heshiis milateri la gashay Sudan, kaasoo tageero hub ay ku heleyso Somaliya.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, wuxuuna uga warbixiyay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
