Tuesday, September 17, 2024

Jeneraal 40 sano Milateri ahaa oo loo dhiibay hoggaanka Ciidamada Booliska Somalia. [Akhriso Taariikhdiisa]

Waxaa dhowaan isbedel lagu sameeyay hoggaanka talisyada ciidamada dalka, iyadoo xilalkii laga qaaday dhammaan afarta taliye ee ciidamad Qalabka sida, lana magacaabay taliyeyaal cusub.

Talisyada uu isbedelkan saameeyay waxaa ka mida Booliska Soomaaliyeed oo intii uu xilka qabtay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo loo magacaabay taliyihii saddexaad, halka xilalka laga qaaday saddex taliye oo kale, waxaana xusid mudan in taliyaha cusub ee Booliska loo magacaabay 22-ka bishan Ogost uu yahay milateri aan weligiis soo marin Boolis.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, wuxuu ahaa xiiligan muddo dhowr bilood ah ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Dalka, isagoo hadda u soo wareegaya ciidamda Booliska oo qabanaya hoggaankooda kadib 41 sano oo uu ka mid ahaa ciiamada, waxaana arrintan ugu wacan awood qeybsiga 4.5 iyo saraakiisha ay ku kalsoon yihiin madaxda dowladda ee Booliska ah oo yar, taasoo keenay in sarkaal milateri ah loo dhiibo hoggaanka Booliska, iyadoo ay joogaan saraakiil sare oo takhasus gaara u leh xilkan.

Ad

TAARIIKHDA TALIYAHA CUSUB EE BOOLISKA SOMALIA

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxa uu ku dhashay gobolka Sool sanadki 1953. Waxbarashadiisa AasAasiga waxa uu ku dhameystay gobolka Banaadir, isagoo Sanadkii 1975 ka mid noqday Arday ka qalin jebisay Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.

General Cabdi Xasan Maxamed ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku biiray Sanadkii 1977 isagoona tababarkiisa ugu horeeyay ku qaatay dugsiga general daauud.

Wadamada Mareykanka iyo Jarmalka ayuu kusoo qaatay tababarka Ciidanka Kumaandooska, isagoo dugsiga tababarka degaanleey kasoo noqday tababare ciidan ama Macalin wax bara ciidamada.

- Advertisement -

Burburkii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka kadib wuxuu Agaasime ka Noqday Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyada dowlada Soomaaliya oo Markii hore loo yaqaanay Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

General Cabdi Xasan Maxamed Sanadkii 1989 waxaa loo magacaabay Qusulka Soomaaliya u fadhiya dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

2007 ilaa 2008 waxaa uu ahaa Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka, sidoo kale 2008-2019 waxaa uu Dowlada Soomaaliya u qaabilsanaa Arimaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Dalka Sacuudiga.

Bishii April ee Sanadka 2019 waxaa loo Magacabay Xilka Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

22-ka Ogost 2019 General Cabdi Xasan Maxamed loo magacaabay Xilka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON