Tuesday, December 3, 2024

Jen. Muungaab oo taageeray Doorashada Jubbaland, Baaqda u diray Madaxda DFS

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si buuxda u taageeray Doorashada Jubbaland iyo xildhibaanada Jubbaland ee maanta lagu dhawaaqay.

Muungaab ayaa sheegay in Jubbaland ay ku saxan tahay inay qabsato Doorashadeeda, wuxuuna dowladda Federaalka ugu baaqay inay dhowrto Dastuurka, kana tanaasusho muddo kororsiga ay siineyso madaxda Maamul Goboleedyada waqtigu ka dhammaaday.

Hoos ka akhriso qoraalka Muungaab:

Ad

Waxaan halkaan Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Baarlamaanka 3aad ee Dowladda Jubbaland oo Galabta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo.

Waa tallaabo wanaagsan oo Jubbaland ka ilaalineysa inay ku dhacdo Marnaasho (Firaaq) Dastuuri ah, sida uu dhigayo Dastuurka Jubbaland oo xaq u siinaya inay waqtigeeda ku qabsato Doorashadeeda.

Waxaan Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha ku bogaadinayaa howsha ay qabteen, waxaana rajeynayaa Doorashada Jubbaland inay sidii loogu talogalay kusoo dhammaato nabadgelyo iyo xasilooni.

- Advertisement -

Madaxda Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqayaa inay dhowraan Dastuurka Dalka, kana tanaasulaan inay muddo kordhin sharci darro ah u sameeyaan madaxda Maamul Goboleedyada waqtigu ka dhammaaday, isla markaana ay ka waantoobaan faragelinta iyo carqaladeynta joogtada ah ee ay ku haayaan Dowlad Goboleedyada doonaya inay qabsadaan Doorashooyinkooda.

“ LOO JOOJIN MAAYO WAXAY DHASHAA… KUU JOOJIN MAAYO, Lakiin tan Jubbaland waa gar waafaqsan Dastuurka Dalka ee aan garab istaagno.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON