Saturday, January 25, 2025

Jen. Muungaab oo soo dhoweeyay Ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir, Baaqna Cusubna diray

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasann Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo dhoweeyay Go’aankii Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyey in Gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu Baarlamaanka Federaalka ku bogaadinayo tallaabada ay qaadeen ee ay ku ansixiyeen inuu Gobolka Banaadir metalaad 13 xubnood ah ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waa arrin bilow iyo horumar ah oo mudan in lasoo dhoweeyo, balse kuma filna, waayoo sida uu qabo qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ah Baarlamaanka waxaa laga sugayey Maqaamkii Muqdisho oo dhamaystiran, arrintaa oo soo jiitamaysay ku dhowaad 20 aano oo aanay Baarlamaannadii hore waxba ka qaban…” ayuu yiri Guddoomiye Mungaab oo hoggaaminaya Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee JDP.

Ad

Jen. Muungaab ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka inuu deg-deg u gudda galo dhaqan gelint qodobka muhiimadda weyn leh ee Maqaamka Caasimadda Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON