Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahna guddoomiyaha Xisbiga Cadaallada Iyo Horumarka JDP Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa tacsi u dirayaa Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Gaar ahaan Ehelka iyo Asxaabta uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Guddoomiyihii G/Banaadir Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Yariisow).
Qoraal uu kasoo saaray geerida Guddoomiye Yariisow oo maanta magaalada Doha ee dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qaraxii 24-kii July 2019 ka dhacay xarunta Gobolka banaadir ayuu sheegay in qaraxa sababay dhaawaca iyo geerida Eng. Yariisow uu abuuray shaki weyn iyo mugdi looga fadhiyo dowladda Somalia inay caddeyso sida qaraxa u dhacay,c idda fulisay iyo dadkii fududeeyay.
“Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya inay umadda u caddeeyaan sida wax u dhaceen, waxaana waajib loogu leeyahay inay qanciyaan ehelada iyo umadda Soomaaliyeed, Inta mugdigaas jiro way adag tahay in la aamino madaxda Dalka iyo Hay’adaha Amniga..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Guddoomiye Muungaab.
Wuxuu intaas ku datay in Eng. Yariisow Allaha u naxariistee uu ahaa Guddoomiye Gobol oo loo diiday inuu wax kaalin ku yeesho Nabadgelyada Gobolka uu guddoomiyaha ka ahaa ee Banaadir, iyadoo waliba ilaalada Xafiiskiisa aysan ka amar qaadan jirin, taasina ay kentay in si fudud loo shirqoolay!