Labada kursi ee maanta lagu doortay Dhuusamareeb ayaa ku dhammaaday tanaasul iyo cod gacantaag ah
Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa mar labad senator u doortay Jenraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo kursiga ku fadhiyey muddo 5 sano ah.
Doorashado aan lagu tartamin oo goor dhoweyd ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug ayaa waxaa Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid uu keligiis ku noqday markii uu isaga hartay musharrax Cabdi Cismaan Xareed oo la tartami lahaa.
83 xildhibaan oo ka tiran Baarlamaaka Galmudug ayaa gacantaag ku ansixiyey inuu Cabdi Qeybdiid mar labaad ka mid noqdo Senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa senatorkii labaad ee Dhuusmaareeb kasoo baxa maanta noqday Cabdi Cismaan Xareed oo sidoo akle 83 xildhibaanada Galmudug ay ogolaadeen inuu ka mid noqdo. Ninkan ayaa ka mida saxiibada iyo la-taliyeyaahsa Villa Somalia.
Maamulka Galmudug ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Qoorqoor ayaa guud ahaan lagu tartamin 8-da kursi ee Aqalka Sare oo xubno gaara loo xiray, iyadoo cod gacantaag ah iyo hal musharax ay xaaladii kusoo dhammaatay.