Friday, March 14, 2025

Jawaabtii ugu horeysay ee Madaxweyne Trump: “Wax kasta waa wanaagsan yihiin; Iran ayaa weerartay saldhigyo..”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Tump ayaa jawaabtii ugu horeysay weerarrada Iiraan ku qaaday saldhigyada milateri ee ku yaalla Ciraaq ku sheegay in xaaladu wanaagsan tahay.

Madaxweyne Trump oo la filayay inuu shacabka Mareykanka la hadlo weerarka Iiraan kadib ayuu soo saaray qoraal uu ku sheegay in wax kasta ay wanaagsan yihiin, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “Dhammaan waa wanaagsan yihiin. Gantaallo ka yimid Iiraan ayaa lagu soo weeraray laba saldhig milateri oo ku yaalla Ciraaq. Waxaa socota hadda qiimeynta qasaaraha ay geysteen. Ilaa hadda waa wanaagsan tahay xaaladda. Waxaan leenahay ciidamada ugu xoogga badan uguna wanaagsan qalabka milateriga dunida oo dha, Berri ayaan war kasoo saari doonaa..”

Aqalka Cad ayaa warbaahinta u sheegay in xilliga weerarka dhacay oo habeen fiid hore u ahayd Mareykanka aanu jiri doonin khudbad uu jeediyo madaxweynaha Mareykanka, waxaana la sugayaa subaxnimada Arbacadda Mareykanka oo ku beegan duhurka kadib Geeska Afrika.

Ad

https://twitter.com/realDonaldTrump/status/1214739853025394693

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON