Sunday, April 27, 2025

Janaasadii ugu weyneyd oo Tehran loogu sameeyay Ismail Haniyah iyo Meydkiisa oo loo duuliyay..

Waxaa maanta magaalada Tehran ka dhacday Janaasadii ugu weyneyd muddooyinkan, iyadoo halkaasi Salaadii Janaasada lagula tukaday Hoggaamiyihii Xafiiska Siyaaddda Xamaas Ismail Hanniyah.

Munaasabadda oo si rasmi ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay hogaamiyaha Iran Cali Khameyni oo salaada janaasada hor kacay, taasoo ka dhacday Jaamaacada Tehran, waxaana halkaas isugu soo baxay dadweyn fara badan oo sitay sawirada marxuumka iyo calanka Falastiin.

Baabuurkii siday naxashka Haniyeh iyo ilaaladiisii gaarka ahaa Waseem Abu Shabaan ayaa la geeyay fagaaraha Azadi ee caasimadda ee Tehran, waxaana la socday dad u baroordiiqaya oo ammaanay dagaalka Xamaas ay kala horjeedo Yuhuudda, waxayna sare u qaadaeyeen sawirradiisa oo y ku dalbanayaan in loo aargudo Haniyeh oo uu marti ku ahaa Iran, iyagoo gubeen calanka Israel.

Ad

Galbta ayaa Meydka Ismaaciil Haniyeh loo duuliyay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo loogu diyaargaroobayo aaskiisa ugu dambeeya ee Berri oo Jimce ah ka dhacaya duleedka magaalada Doha.

Waxaa la sheegay in Salaada Janaasada ee Marxuumka Berri salaada jimcaha kadib lagula tukan doono Masjidka Imaamu Muxamed bin Cabdulwahaab ee caasimada dalka Qatar, kadibna lagu aasi doono qabuuraha magaalada Lusail.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON