Wednesday, September 18, 2024

Jaha-wareer ka dhashay Canshuurta Iibka ee Dowladda Somaliya kusoo rogtay Dadka Muqdisho

Xaalada hubanti la’aan ah iyo jaha-wareer ayaa ka dhashay dhaqangalka Canshuurta Iibka (VAT) oo dowladda Soomaaliya ay maanta ka dhaqan gelisay Dadka magaalada Muqdisho.

Canshuurtan oo dowladu sheegtay in hore loo qaadi jiray, balse la sharciyeeyay ayaa Qiimaha lagu bilaabay uiu yahay 5% wax kasta oo la iibinayo; waxaana qeylo dhaan canshuuutan ka muujiyay ganacsatada Muqdisho.

Qeybo ka mida Suuqyada waaweyn ee caasimadda Muqdisho ayaa la xiray ganacsigii, waxaana dadka soo wajahay welwel ku saabsan inay ka go’eyso lacag, haddii ay wax iibsadaan.

Ad

Faham la’aanta canshuurta oo aan si fiican dadka loogu sharxin iyo kooxaha abaabulan ee Baraha bulshada oo olole dacaayad ah ku furay ayaa keenay in dadka Muqdisho ay cabsi weyn kasoo wajahdo canshurutan, waxayna saameyn ku yeelatay ganacsigii magaalada iyo wax kala iibsigii.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay dadka dadka la hadlay ayaa ku baaqay inay dadku bixiyaan canshuurta, balse waxaa weli jira mugdi badan oo canshuurtan ku saabsan sida cidda ay ku waajibeyso iyo qaabka loo qaadayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON