Xaalad jaha-wareer ah ayaa hareysay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo muddo 45 maalmood ah uu sii-haye ahaan u hoostaga Sii-hayaha Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).
Waxaa markii saddexaad la bedelay xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, iyadoo si la yaab leh xilkan dib loogu magaacabay C/risaaq Xuseen Aadan oo hore si degdega xilka looga qaaday markii uu 5 maalmood hayey, isagoo ku lug yeeshay shil ka dhacay Xarunta Madaxtooyada oo Gaari uu lahaa mas’uul u dhow Ra’iisal wasaarihii hore ay ciidamo la sheegay inu amray ay la wareegeen, balse dib loo celiyey.
Mahdi Guuleed ayaa hore xilka uga qaaday Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska Axmed-Nuur Maxamed Cabdi, isla habeenkii madaxweyne Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku magacaabay sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaaraha (Akhriso), kadibna wuxuu xilkaasi u magacaabay C/risaaq Xuseen Caato, iyadoo kadibna maalmo kadib ka qaaday xilkaasi, una magacaabay ku-xigeenka xoghayaha C/raxmaan Sheekh Mucaawiye oo 40 Beri xilkan hayey, waxaana u danbeeyay in dib xilkaasi loogu magacaabay C/risaaq Caato.
Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa laga soo xigtay in waxa ka socda Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya tan iyo markii uu ka tegay Ra’iisal wasaarihii hore ay isu bedeshay fowdo iyadoo awoodda Madaxweynaha ku takri falayaan xubno dhalinyaro ah oo Madaxtooyada ku xiran.
Shaqadii xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa isku cakirantay, waxayna xaaladii isu bedeshay jaha-wareer hareeyay xafiiskaasi oo mar ahaa goobta ugu nidaamsan hay’adaha dowladda.
