Waxaa magaalada Addis abab maanta ka dhacday doorasho ay xubinnimada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga afrika ku tartameen dallka Jabuuti iyo Soomaaliya.
Jabuuti ayaa markii labaad ku guulesytay kursiga Golaha Amniga Midowga Afrika, kadib doorasho maanta ka dhacday xarunta Midowga afrika Addis Ababa, markii ay ka codada badisay Soomalaiya.
Jabuuti heshay codod dhan 19 cod, halka Somaliya ay heshay 13 cod, waxaaana mar labaad ay Jabuuti ka mid noqon doontaa dalalka Golaha Amniga Midowga Afrika ilaa 2025. Somaliya ayaa Jabuuti ugu hambalyeysay guusha kursigan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo ergada Safaaradda Soomaaliya ee Addis ayaa dadaal xoog leh u galay inay Soomaaliya hesho codad badan, iyagoo kulamo is daba jooga la yeeshay wasiirada dalalka Afrika.
Kursigan ayaa muhiim u ahaa Soomaaliya si ay cod ugu yeelato go’aannada Golaha Amniga Midowga Afrika ee ku saabsan mustaqbalka AMISOM.