Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday Qorshe ay Itoobiya ku siinayso Marin Badeed iyo Dekad diyaar ah oo ay 100% maamulkeeda yeelato Itoobiya.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo sheegay inay xal u noqon karto xiisada ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay is-afgaradkii Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed la galay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.
“Waxaan heynaa Qorshe aan Itoobiya ugu soo bandhigeyno Marin Badeed iyo Dekad ay maamulkeeda yeelato 100%. Dekaddaasi waa dekadda Tadjuura oo 100 KM u jirta Itoobiya. Waxaa hore loo dhisay Jidad cusub oo Itoobiya ku xiraya dekadda” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti oo wareysi siiyay Laanta Afrika ee BBC-da.
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ku jirin marin Badeed ay hesho Itoobiya, balse ay tahay lama taabtaan Qaranimada dalalka iyo xuduudahooda iyo inaan la faragelin dalalka kale.
Madaxda dalalka IGAD oo ay ku jiraan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa isku arki doona dalka Shiinaha halkaas la filayo in lagu dhexdhexaadiyo Somaliya iyo Itoobiya.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa inuu Hindisaha dekadda lagu siinayo Itoobiya kusoo bandhigo shirka madaxda Afrika iyo China oo toddobaadka danbe ka dhici doona magaalada Beijing.
Waxaa muuqata in hindisaha Dowladda Jabuuti uu culeys hor leh saari doono Itoobiya, isla markaana uu soo shaac bixin doono Damaca Itoobiya inuusan ahayn Dekad iyo Marin Badeed, balse ay dooneyso Dhul balaarsi.