Hogaamiyaha jabhadda Tigra ee TPLF Debretsion Gebremichael ayaa shaaciyey inay ciidamadiisa soo rideen diyaarad dagaal oo ay Itoobiya leedahay, isla markaana ay gacanta ku dhigeen duuliyihii waday.
Sida uu fariin ugu sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters, waxaa diyaaradda lagu riday aagga Abi Adi area, waxaan Telefishanka Tigray uu shaaciyey muuqaallada Duuliyaha, iyadoo ay u muuqato inuusan dhammaan dagaalka Tigray sida uu sheegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa sidoo kale sheegay inay dib u qabsadeen magaalada taariikhiga ah ee Axum ee Gobolka Tigray oo ciidamada Itoobiya ay maanta kala wareegeen.

