HoggaankaJabhada TPLF ee gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia ayaa shaaciyeyin ay sii daayeen ilaa kun askari oo ay ku qabsadeen dagaalkii gobolka.
Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa in kun askari oo ah kuwa ay darajadoodu hooseyso ay sii daayeen. “In ka badan 5,000 oo askari ayaan wali haynaa, waanna sii hayn doonaa saraakiisha sarsare si loo maxkamadeeyo,” ayuuna yiri isagoo wareysii siiyey Reuters.
Waxa uu sheegay in ciidanka la sii daayay loo kexeeyay dhinaca xuduudda koonfureed ee gobolka Tigray uu la leeyahay gobolka Amhara Jimcihii, laakin ma uusan xusin cidda la wareegtay askarta iyo sida deysmadooda looga wada xaajooday.
Afhayeenka militariga Itoobiya ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn inuu hadlo, halka afhayeenka maamulka gobolka Amhara uu sheegay in aysan jirin war uu hayo oo ku aaddan sii deynta.
Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa toddobaadkan sheegay in la iska caabin doono khatar kasta oo ka timaadda TPLF, wuxuuna dib uga gurtay xabbad joojin hal dhinac aheyd.
Gobolka Amhara iyo saddex gobol oo kale ayaa sheegay in ay diyaarinayaan ciidan kuwa dowladda federaalka ka caawiya dagaalka ka dhanka ah TPLF.

