Ciidamada Jabhadda Tigray ayaa shaaciyey inay dib u qabsadeen magaalada Korem, oo 170km koonfur ka xigta caasimadda Gobolka Tigray ee Mekelle.
Jabhadda Tigtay ayaa kusii sinqaya dhinaca Koonfurta, iyagoo caddeyay inay ka go’an tahay sii wadidad dagaalka inta ay ka xoreynayayaan dhammaan dhulka Gobolkooda, xaaladana dib ugu soo celinayaan dagaalka kahor.
Ciidamada TPLF oo 28-ka bishii Juny dib ula wareegay caasimadooda Mekelle, ayaa kusoo bandhigay kumanaan ciidamada Federaalka Itoobiya oo ay maxaabiis ahaan u qabsadeen. waxayna hadda u jiheysteen galbeedka iyo koonfurta gobolka oo ay heystaan ciidamada kasoo jeeda maamulka deriska la ah ee Amxaarada.
Maamulka Amxaaradda oo la safnaa ciidamada Itoobiya ayaa ayaa ku dhawaaqay xaalad dagaal, wuxuuna dadkiisa ugu baaqay inay hubka qaataan oo difaacaan maamulkooda; waxayna cabsi xoog leh soo wajahday maamulkaasi oo filaya inay ciidamada Tigray ka aargoostaan.
Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Isniintii u sheegay wakaalada wararka e Reuters in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Korem, oo koonfur ka xigta caasimadda Mekelle.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaal culus kadib ay ciidamada Tigray qabsadeen magaalada weyn ee Alamata oo 20km koonfur u jita magaalada Korem. Afhayeenka TPLF Getachew ayaa sheegay in kooxdiisa ay dooneyso in xuduudihii dagaalka kahor lasoo celiyo, islamarkaana la furo qadadka gaadiidka, si loogu ogolaado in gargaarka bani’aadannimo uu halkaas gaaro.
Afhayeenka militariga Ethiopia Colonel Getnet Adane, ayaan ka hadlin cidda heysata magaalada Korem, markii la weydiiyey, balse wuxuu farriin qoraaleed ku yiri “Waxaan ku dhawaaqnay xabad-joojin”.
