Jaamcadda Umadda ayaa maanta ku dhawaaqday in dib loo furay kulliyadii  Cilmiga Warbaahinta Saxaafadda.
Xaflad lagu daah furayo dib u howlgelinta Kuliyaddii saxaafadda ayaa ka dhaceysa xarunta Wasaarada Warfaafinta ee  Magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Kuliyadda ayaa hore uga mid ahayd kulliyadihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo dib u howlgelinteeda ay mid muhiim u ah saxafiyiinta.
Jaamacadda Umadda oo dib loo howlgeliyay xilligii dowladii Xasan Sheekh ayaa waxaa meelgeliya dowladda Soomaaliya iyadoo ardayda dhigata aan laga qaadin wax lacag ah, marka laga reebo khidmo yar.