Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa qaaday tallaabo si weyn looga hadal hayo dalkaasim, ayna qoreen warbaahinta Turkiga.
Jaaliyadda ayaa lacag ay iska soo ururisay ku shubtay Sanduuqa Garab-istaaga Turkiga ee Madaxweyne dalkaasi Erdogan ku dhawaaqay, kaasoo dadka Turkiga ay ku ururiyeen kaalmeynta howsha ka hortagga cudurka Covid-19.
Lacagta Soomaalid bixisay ayaa dhan 110,000 Turkish Liiraha Turkiga ah, una dhiganta 15,000 Doolar, waxayna Soomaalidu muujiyeen inay yihiin Dad abaalka loo galo gudi kara.
Wareejinta deeqda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda ka socotay Dawlada Turkiga ee magaalada Istanbul, Madaxda Jaaliyadaha Carabta ee ee Turkiga iyo warbaahin badan oo Turkiga laga leeyahay.
Tallaabada Soomaaldu qaaday ayaa si weyn loosoo dhoweeyay dalkaasi, iyadoo lagu bogaadiyeykaalinta ay qaateen oo jaaliyadaha kale aanay weli sameyn.