Tuesday, October 15, 2024

Itoobiya oo War kasoo saartay Hubka ay Masar siisay Dowladda Somaliya iyo Dacwad ay u gudbisay…

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa walaac ma muujisay, kana digay in Hubka ay Masar geysay Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo magaalada New York kula kulmay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Q/Midoobay Rosemary Decarlo ayaa u sheegay inay Itoobiya ka walaacsan tahay Saanadda ee Quwadaha Shisheeye geeyeen Somaliya.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid maalin kadib markii markab laga leeyahay dalka Masar uu hub culus ka soo dejiyay Muqdisho, taasi oo aheyd shixnaddii labaad oo hub ah muddo bil gudaheed, kaddib heshiis amni oo ay Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen August.

Ad

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa ku dooday inuu Hubkaasi uga sii dari doono xaaladda Amniga, isla markaana ay gacan geli doono Argagixisada.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa xaqiijisay keenista hubka, iyadoo sheegtay in shixnaddan looga dan leeyahay in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegashada Itoobiya ku tilmaamay mid ay ku qarinayaan “hubka sharci darrada ah ee laga soo geliyo xuduudka Soomaaliya, kaasi oo u gacan galaya shacabka iyo argagixisada.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON