Tuesday, December 10, 2024

Itoobiya oo Somaliland u tababareysa Ciidamo kala shaqeyn doona Qorshaheeda Badda Somaliya

Dowladda Itoobiya ayaa bilowda inay ciidamadii ugu badnaa u tababarto Maamulka Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay qeyb ka yihiin qorshaha Itoobiya ku dooneyso inay saldhig Bad iyo Dekad ka hesho Badda Soomaaliya.

Somaliland ayaa maanta shaacisay inay dowladda Itoobiya u tababaryso dowladda Itoobiya, sida lagu sheegay War qoraal ah oo lagu baahiyay Warbaahinta Maamulka Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Nuux Ismaacil Taani ayaa sagootiyey ciidamada ay Itoobiya u tababareyso Somaliland, waxaana ciidamadan laga gudbiyey xadka Wajaale ee Somaliya iyo Itoobiya.

Ad

Dhinaca kale muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyey Basas badan oo ay saaran yihiin ciidamada loo tababarayo Somaliland oo u gudbaya xadka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada loo tababarrayo Somaliland ay la shaqeyn doonaan ciidamada Itoobiya ee la qorsheeyay in ka howlgalaan gudaha Somaliland ee qeybta ka ah heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ee saldhig iyo Marin Bad lagu siinayo Itoobiya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON