Waxaa magaalada Adis abaa ee dalka Itoobiya waraaqihiisii Waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo looga guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa Danjiraha cusub M. C/llaahi Warfaa ka guddoontay nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirnimo, kadib markii xilkaasi loo magacaabay aakhirkii bishii hore ee May, isagoo noqonaya safiirkii ugu horeeyay ee uu magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo sanad ka badan oo uu xafiiska ku sugnaa.
Danjiraha ayaa kasoo ku heyb ah Ra’iisal wasaaraha ayaa xilkan ka bedelaya Safiirkii hore ee Itoobiya oo hadda noqday Wasiirka ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ilkajiir oo kasoo jeeda Puntland, iyadoo Safaaradda Itoobiya ay safiir la’aan ahayd muddo dheer.
Safaarado badan oo qaarkood safiir la’aan ahaayeen muddo iyo qaar cusub oo la magacaabayo ayaa la filayaa in la buuxiyo, waxaana ka mida: Sacuudiga, Kenya, Imaaraadka, Qatar, Turkiga iyo kuwo kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa awood u leh inuu 10% magacaabo safiirada loo dirayo dalalka dibadda, halka inta kale ay soo marayaan Golaha Wasiirada, basle awood qeybsiga xilalka dowladda Soomaaliya ayaa wax weyn iska bedeleen intii ka danbeysa markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud May 2022.