Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shalay dib ugu laabtay magaalada Garowe, kadib safarkii dibadeed ee ugu danbeeyay oo qaatay 10 maalmood ayaa shaaciyay in Itoobiya labo Mashruuc oo horumarineed ka fulin doonto Puntland.
Gaas oo ka hadlayay magaalada Garowe ayaa caddeeyay in labada mashruuc ee Itoobiya fulineyso ay ugu danbeyn bisha May ee soo socota bilaaban doonaan.
Warkan oo la yaab ku noqday dad badan ayuu Madaxweyne Gaas sheegay  in labada Mashruuc ee Itoobiya ka hirgalin doonto Puntland ay kala yihiin: Dhismaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo iyo Wado Laami ah oo isku xiri doonta Garowe iyo degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Dad badan ayaa ka shakisan mashaariicda faraha badan ee madaxweyne Gaas mar waliba sheego markii uu safar dibadeed ka soo laabto, waxaana la ogyahay in mashaariic fara badan oo hore loo sheegay aanay waxba ka hirgelin.
Arrinta ku soo korortay balanqaadyada mashaariicda ee madaxweyne C/weli Gaas ayaa ah in Itoobiya ay markan mashaariic ka fulineyso, taasoo taariikh cusub noqon doonta iyadoo laga war qabo xaaladda dalka Itoobiya, waxayna dadka qaarkii ku tilmaameen inay tahay warkii ugu danbeeyay ee laga rumeysan lahaa madaxweynaha Puntland.
April 2016, ayay ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu heshiis la galay Amiirka Sacuudiga ee Amiir Suldaan bin Naasir bin C/casiis Aala Sucuud oo la sheegay inuu fulinayo Mashaariic ay ka mid yihiin: Dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, Deked laga dhisayo Garacad, Waddo kale oo laami ah, halka dekadda Boosaaso balaarinteeduna noqotay mashruuc kale oo Ganacsade Falastiini ah ku fashilmay.
Goobjooge.com