Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay isku dayday inay madaxweynaha Soomaaliya ka hor istaagto ka qeyb galka shirkii Madaxda Midowg Afrika, iyadoo Midowga Afrika ka dalbatay inuu baaritaan ku sameeyo arrintaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay falka ay dowladda Itoobiya kula kacday Wafdiga madaxweynaha, taasoo lagu tilmaamay mid jebineysa diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamiga ah.
Wasaarada Arrimaha dibadda ayaa Midowga Afrika ka codsatay inay baaritaan degdeg ku sameeyay arrintan, lagana fiirsado inay Itoobiya sii ahaato xarunta Midowga Afrika.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey Itoobiya inay sameytay xushmad darro, iyadoo ku dhaqaaqday in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay u diidaan inuu galo halka shirku ka socdo, balse.
Wararka laga helayo Addis ababa ayaa sheegaya in saraakiisha Itoobiyaanka ee habdhowrka xarunta Midowga Afrika ay isku dayeen inay Madaxweyne Xasan Sheekh ka reebaan ilaalada Amniga ee la socotay, taasoo isku dhac abuurtay, kadibna ay ogolaadeen inuu hoolka la galo.