Dowladda Itoobiya ayaa iska fogeysay warbixin uu baahiyey Telefishanka Qaranka dalkaasi ee ETV oo lagu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu xiriir la leeyahay jabhada TPLF.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa soo saartay qoraal ay ku sheetay in warbixintaasi aanay sax ahayn. kana tarjumeynin aragtada dowladda Itoobiya.
“Warbixinta barnaamijka ku jirtay ma ahan mid ka turjumaysa siyaasadda dowladda Itoobiya waxayna hareer marsan tahay xiriirka labada dowladood” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya.
Warbixinta laga sii daayay Telefishinka (Halkan ka Akhriso) ayaa lagu sheegay in fallaagada TPLF ay isku dayayso in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay qaadayso tallaabooyin halis ku ah danaha Qaranka Itoobiya, haddii ay taasi dhacdana ay keeni karto inuu Gobolka ka abuurmo urur ka halis badan Al-Shabaab.
