Itoobiya ayaa Saanad hub cusub ah soo gelisay Gudaha Soomaaliya, kaasoo kasoo gudbay degaanka Soomaalida Itoobiya, kadibna ugu danbeyn gaaray maamulka Puntland.
Hubkan oo ku rarnaa 3 Gaari oo xamuul ah ayaa yimid degmada Bookh ee Gobolka Doolo, dowlad degaanka Soomalaida, waxaana halkaasi la dhashay xiisad, markii maleshiyo degaanka a isku dayeen inay dhacaa Hubkaasi.
Wararka ayaa sheegaya inay hubka difaaceen cidiamada Liyu Booliska ee dowlad degaanka Soomaalida, kadibna ay ku wareejiyueen ciidamo ka socday maamulka Puntland oo magaalada Garowe u galbiyay.
Ciidamada Puntland ayaa ku hakaday deganka Gabara ee Xuduudka Ethiopia iyo Somaliya, halkaasoo ay kula wareegeen Hubka ka yimid Itoobiya oo ay galbinayeen Liyu Booliska dowlad degaanka Soomaalida.
Hubkan ayaa la sheegay inay Itoobiya ku taageertay madaxweynaha Puntland Siciid Dani, halka warar kale sheegayaan inay soo iibsatay. Waa markii labaad ee Itoobiya ay Hub badan soo geliso gudaha Soomaaliya.