Dawladda Ethiopia ayaa War culus kasoo saartay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika, iyo walaac xoog leh oo ay ka muujisay kala-guurka ee ciidamada Midawga Afrika ee h ee Soomaaliya (ATMIS), kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin, halista ka iman karta, hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasoo ay sheegeen inay khatar amni ku keeni karto Itoobiya iyo Geeska Afrika.
“Ethiopia daawade kama noqoneyso xilli ay dhinacyada kale ku hawlan yihiin inay qaadaan tallaabooyin ay xasilooni darro kaga abuuryaaan gobolka. Itoobiyt waxay si dhow ula socotaa isbedellada ka socda gobolka ee halista gelinaya Amnigeeda Qaranka”. ayaa ka mid ahaa war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay dowladda Masar ay Soomaaliya u fidisay kaalmo milateri, taas oo noqonaysa, kaalmadii ugu horraysay ee noocan ah ee ay Soomaaliya siiyaan muddo afartan sannadood ka badan.
“Halkii ay dadaallada nabadeed ka fulin lahayd, dowladda Soomaaliya waxay gacan saar la yeelatay dhinacyo dibadda ah oo ujeeddadoodu tahay inay khalkhal geliyaan gobolka” ayaa ka mid ahaa War-saxaafadeedka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo si cad loogu sheegin magaca dowladda Masar.
Qeylo dhaanta, digniinta iyo cabsida uu xambaarsan yahay War-saxaafadeedka dowladda Itoobiya ayaa muujinaya in nidaamka Abiy Ahmed ay xaalad adag kasoo wajahday Soomaaliya, kadib markii uu soo baxay inuu bilwoday dhaqan galka Heshiiska milateri ee Masar iyo Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid heshiiskii ay Ethiopia la gashay maamulka Somaliland ee ku saabsanaa in Ethiopia laga kireeyo marin biyood, iyo saldhig milateri oo ciidamdaa Badda yeelanayaan.