Dowladda Itoobiya ayaa faragelin ku sameysay xaaladda Magaalada Laascaanood, waxayna wafdi u dirtay magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.
Wafdiga dowladda Itoobiya ayaa ka kooban saraakiil iyo mas’uuliyiin, waxayna socdaalkooda ka bilaabeen magaalada Hargeysa oo ay kula kulmeen madaxda Somaliland, kadibna waxay tageen magaalada Garowe.
Wafdiga Itoobiyaanka ayaa magaalada Garowe kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay kala hadleen colaadda Laascaanood, waxaa sidoo kale Garowe ku sugan Garaadyada magaalada Laascaanood oo kulamo la yeeshay Wafdiga Itoobiya.
Dadaalka iyo faragelinta dowladda Itoobiya ku sameysay Dagaaka Laascaanood ayaa yimid, iyadoo ay labada dhinac cadaadis saareen dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana hadda muuqda in Muuse Biixi uu aqbalay xabbad joojin iyo inuu ciidamadiisa ka fogeeyo magaalada Laascaanood.
Itoobiya ayaa colaadda Laascaanood ka noqotay dhexdhexaadiye ay labada dhinac ku kalsoon yihiin, iyadoo markii hore la waayey cid labada dhinac dhex gasha.