Itoobiya ayaa a digtay is-fham la’aan ka dhalata howlgalka cusub ee Midowga Afrika (AU) ee lagu bedelayo ATMIS, waxayna Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay (QM) ugu baaqday xaqiijiyaan wadatashiyo dhameystiran oo lala yeesho dhinacyada muhiimka ah.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya Nebiyu Tedla in loo baahan yahay wadahadal lala yeesho dalalka hadda ka mida ATMIS oo ay Itoobiya ku jirto. “AU iyo UN waa inay xaqiijiyaan wadatashiyada lagama maarmaanka ah ee dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan dalalka hadda ciidamadooda ka mid yihiin ATMIS.”
Wuxuu ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in si taxadar leh laga fogaado isfaham la’aan aan loo baahnayn iyo xiisadaha gobolka ee si lama filaan ah u dhici karta, haddii lagu dhaqaaqo tixgelin la’aanta dowladaha Gobolka.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo la qorsheynayo in la geeyo Soomaaliya ciidamo nabad ilaalin ah oo cusub, kaasoo lagu wado inuu bedelo ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), howlgalkaas oo dowladda Masar ay shaacisay inay ku biirin doonto ciidamo.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u caddeysay in “Ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin howlgalka cusub ee AU-da” ee ka howlgali doona Soomaaliya marka uu dhammaado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya December 2024.