Dowladda Itoobiya ayaa deeq gargaar ah ku wareejisay dowladda Soomaaliya, iyadoo ugu talogashay dadka abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya.
Gargaarka ayaa ka koobnaa 18 Baabuur oo Raashin ah, waxaana loogu talogalay gobollada Bakool iyo Gedo ee maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed.
Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato howlaha gargaar ee loo fidinayo dadka Soomaaliyeed.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya Cilmi Cumar ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay kala wareegeen gargaarka ayna taasi muujineyso walaaltinimada ka dhaxeysa labada dal.
Goobjooge.com