Shaki ayaa hareeyay wejigii labaad ee dagalaka Alshabaab oo hore loo sheegay inuu noqon doono mid weyn oo ay ka qeyb galayaan dalalka safka hore.
Howgalkaas oo dib u dhac weyn ku yimid ayuu dhinaca kale Taliyaha ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya wuxuu sheegay inuusan hubin in dalalka safka hore ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada milatari lagu qaadayo Alshabaab iyo in kale.
Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sheegay inaysan isaga ula muuqan in ciidamada Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ay ka qeybgali doonaan wejiga labaad ee “Howlgalka Libaaxa Madow” – marka loo eego diyaargarowga hadda socda ee madaxweynaha uu wado.
Dowladda Kenya ayaa diyaar ah, waxaaya sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Difaaca Kenya uu sheegay inuusan mowqifkooda waxba iska beddelin, kana go’an tahay howlgalka dagaalka .
Dhinaca kale Itoobiya ayaa la sheegay inay dib uga guratay qorshahaasi , markii culeysyo milateri kasoo wajaheen gudaha dalkeeda oo Gobolka Amxaarada uu dagala ka qarxay, lama oga mowqifkeeda dhabta ah.