Wednesday, November 29, 2023

Israel oo qiratay Askar looga laayey Marinka Gaza iyo Xuuthiyiinta Yeman oo dagaalka galay

isreal ayaa qiratay in dagaalkii Dhulka ee ay ciidamadeeda shalay ku galeen Gudaha Marinka Gaza looga laayay askar ka mida ciidamadeeda.

Askarta Yuhuudda laga dilay ayaa gaaraya 12, waxaya shaaciyeen magacyada iyo sawirrada 11 ka mida, iyagoo ku dhintay dagaal ay la galeen Dagaalyahannada Xamaas ee ka dagaalamaya Gudaha Marinka Gaza.

Ciidamada Israa’iil ee la dilay ayaa dhammaantood ku dhintay markii Taangiyada iyo Gawaarida gaashaaman ee ay wateen lagu dhuftay gantaalaha lidka taangiyada, halka qaar kalena Godad looga soo baxay oo la toogtay.

Ad

Dhinaca kale Xuuthiyiinta Yeman ayaa dagaalka ku biiray, waxayna Gantaallo shalay ku rideen Dhulka ay Israel heysato, inkastoo la sheegay in laga hortegay, haddana waa halis cusub dhinaca Badda Cad kasoo food saartay Israel.

Israel ayaa Markab Gantaallo xambaara u dirtay Badda Cas si ay uga hortagto Gantaallaha uga imaanaya Xuuthiyiinta Yeman oo bilaabay inay Gantaallo kusoo diraan Israa’iil.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON