Friday, October 11, 2024

Israa’iil oo Weerar ku qaaday Caasimadda Lubnaan iyo Hoggaamiye Sare oo lagu beegsaday

Wararka laga helayo Dalka Lubnaan ayaa sheegaya in Ciidamada Cirka Yuhuudda ay weerar duqeyn ah ku qaadeen daanta Koonfureed ee caasimadda Beyruut ee dalka Lubnaan oo ay u badan yihiin taageerayaasha ururka Shiicada ee Xisbullaah.

Weerarka cirka oo goor dhoweyd dhacay ayaa la sheegay inay fulisay diyaarad nooca Drone-ka ah oo Israa’iil leedahay, waxaana warkii ugu horeeyay oo ciidamada Yuhuudda ay soo saareen ku sheegeen inay ku beegsadeen hoggaamiyihii mas’uulka ka ahaa weerarkii lagu dilay 12 dhalinyaro ee ka dhacay degaanka Jolan ee Yuhuuddu heysato.

Qaraxyo waaweyn ayaa caawa laga maqlay koonfurta caasimadda Lubnaan ee Beyruut oo dhowaanahan la filayay inay weerar ku qaado Isra’iil, waxayna muuqalaadii ugu horeeyay ee goobta la weeraray muujiyeen burbur iyo holac iyo uuro ka baxeysa goobta la beegsaday.

Ad

Sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka Lubnaan, duqyenta Israel ayaa lala beegsaday agagaarka Golaha Shuurada ee Xisbullaah oo ku yaalla duleedka koonfureed ee Beirut.

Sidoo kale wararkii ugu danbeeya yaya sheegaya in weerarka lala beegsaday hogaamiye sare oo ka tirsan ururka Xisbullah, kaasoo weli aan la sheegin magaciisa, balse warbaahinta Yuhuudda ayaa faafisay in dqeynta lagu dilay Fouad Shukr, oo ahaa Taliyaha guud ee howlgallada ee Xisbullah iyo la-taliyaha sare ee Hassan Nasrallah.

Ma cadda inuu taliyaha sare ee Xisbulaah ku dhintay weerarka ama dhaawac kasoo gaaray, laakiin wararkii ugu danbeeyhay ayaa sheegaya in Fu’ad Shukr oo loo yaqaan Xaaj-Muxsin uu ka badbaaday weerarka. Waxaa weli la sugayaa xaqiijinta saameynta weerarka loo adeegsaday ilaa 3 Gantaal oo burbur weyn geystay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON