Tuesday, February 18, 2025

Israa’iil oo Duqeyn ku dishay Wiilal uu dhalay Madaxa Siyaasadda Xamaas iyo Caruurtooda

Ciidamada Yuhuudda ayaa duqeyn cirka ah ku dishay Saddex wiil oo uu dhalay madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah iyo caruur ay sii dhaleen.

Duqeytan ayaa ka dhacay maanta oo ciid ahayd, waxaana lagu qaaday Baabuur ay dad rayid shacab ah la socdeen oo marayay xerada Shaadi ee waqooyiga magaalada Gaza.

Qoyska Ismaaciil Haniyaha ayaa ka koobnaa 5 Qof oo Gaariga la duqeeeyay saarnaa xilli ay u socdeen qaraabo-salaan ku saabsan munaasabadda Ciidul Fitriga, markii diyaarad Drone ah ay duqeysay.

Ad

Waxaa duqeynta lagu dilay wiilasha uu dhalay madaxda siyaasadda ea Xamaas, kuwas oo kala ah: Xaazim Haniyah iyo labadiisa gabadhood Aamaal iyo Muna, Amiir Haniyah iyo wiilkiisa Khaalid, gabdhiisa Razan iyo Mahad Haniyah, iyadoo uu dhaawacmay gabadhiisa Malaak.

Ismaciil Haniyeh oo ka hadlay dilka saddexda wiil ee uu dhalay iyo caruurta uu awoowaha ua haaayuu sheegay inuu Ilaahay uga mahad naqayo sharaftan uu ugu deeqay ee ah inay u shahiideensaddex wiil iyo caruur uu Awoow u ahaa.

“Dhammaan dadkayaga iyo dhammaan qoysaska deggan Qaza waxay qiimo weyn ku bixiyeen dhiiggooda iyo dhiigga carruurtooda, aniguna waxaan ahay mid ka mida, ku dhawaad ​​60 xubnood oo qoyskayga ah ayaa shahiiday, sida dhammaan shacabka reer Falastiin. , mana jiro wax farqi ah oo u dhexeeya.” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

- Advertisement -

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa telefoonka kula hadlay Ismaaciil Haniyah, isagoo uga tacdiyadeyaday geerida caruurtiisa, wuxuuna sheegya in Isra’iil ay tahay in lagu ciqaabo denbiyada dagaal iyo xasuuqa ay ka wado Gaza.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON