Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa caawa weerar culus oo cirka ah ku qaaday Koonfurta magaalada Beirut oo xarun u ah ururka Xisbullaah ee dagaalka kulk jira Israa’iil.
Ilaa toban gantaal oo ayaa lagu beegsaday xaafad ku taalla dhinaca Koonfureed ee magaalada Beirut, waxaana goobta ka dhacay qaraxyo waaweyn oo burburiyay dhismooyin badan.
Afhayeenka ciidamada Yuhuudda ayaa war degdega soo saaray isla markii weerarku dhacay ayaa sheegay inay beegsaday xaruntii dhexe ee xisbiga Xisbullaah oo ahayd goobta hoggaaminta ururka.
Warbaahinta Israel ayaa faafisay in Gantaalaha loo adeegsaday weerarka ay ahaayeen kuwa aad u culus oo awood u leh inay ka gudbaan dhufeysyada dhulka hoostiisa, waxayna geysteen burbur aad u weyn, iyadoo dhulka lala simay dhismooyin fara badan.
Sidoo kale wararka ay baahinayaan warbaahinta Yuhuudda ayaa sheegaya in weerarka lagu beegsaday Xoghayaha guud ee Xisbullaahi Hassan Nasrallah oo ah hoggaamiyaha sare ee ururkaasi.
Ilaa iyo hadda ma cadda in hoggaamiyaha sare ee Xisbullaahi Hassan Nasrallah lagu dilay weerarka caawa ka dhacay caasimada Lubnaan iyo in kale, balse la xaqiijinayo inuu hoggaamiyaha Xisbullahi ku jiray dhismayaasha la duqeeyay.
Wararka kasoo baxaya weerarkan oo ahaa kii ugu weynaa ee Yuhuuddu ku qaado Beirut, iyadoo uu weli socdo weerarkii Yuhuuddu ku waday Lubnaan.