Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Islaamiga reer Falastiin ee Xamaas ayaa shaaciyay in magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran lagu dilay madaxii xafiiska siyaasadda Ismaaciil Haniyeh.
Bayaan ay soo saartay Xamaas ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha xarakada uu u dhintay weerar ay Yuhuuddu ku qaaday Gurigii uu ka deganaa magaalada Tehran ee dalka Iran.
Lama xaqiijin waxa loo adeegsaday khaarijinta Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas, balse wararka la helayo ayaa sheegaya in Gurigii uu deganaa lagu weerrray Gantaal ka yimid Israa’iil.
Dhinaca kale War kasoo baxay Ilaalada Kacaanka Iran ayaa lagu sheegay inay daraaseyneynaan dhacdadii lagu dilay shahiid Ismacil Haniyeh ee ka dhacday magaalada Tehran, ayna shaacin doonnaan natiijada baaritaanka.
Arrintan naxdinta leh ayaa weji gabax ku ah dowladda Iran oo awoodi weyday inay gudaha dalkeeda ku ilaaliso hoggaaminaya Xamaas.
Wakaalada wararka ee Iran ayaa sheegtay in Ismaaciil Haniyah iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ay ku shahiideen kadib markii la beegsaday guri ay daganaayeen oo ku yaala waqooyiga magaalada Tehran.
Dhankeeda wakaaladda Tasnim ee dalka Iran ayaa sheegtay in uu socdo baaritaan ku aadan dilka loo geystay madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, natiijadana dhawaan lagu dhawaaqi doono.
Madaxda Yuhuudda ayaa si weyn u bogaadiyay dilka Hoggaamiyaha Siyaasadda Xamaas, iyagoo u dabaal degay, inkastoo si rasmi ah nidaamka Yuhuudda aanu u sheegan weerarka.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka loo dilay Ismail Hanniyaha, waxaana la werinayaa gantaal ka yimid dal kale iyo Gantaal diyaarad ay soo riday, waxaana la sugayaa jawaab ay bixin doonto Iran.